Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Wabiga Shabeelle ee ku fatahay Xaafado kamid ah Magaaladaas uu qaaday ilaa Saddex Carruur ah oo kamid ahaa dadka ku nool Magaalada Beledweyne.
Saddexda Carruurta ah ayaa waxaa la sheegay inay ku dhaceen Kiliga Waraaboole,hayeeshee la helay meydka mid kamid ah Carruurtaas,balse weli la baadi-goobayo labada kale ee Biyaha fatahaada ay qaadeen.
Mid kamid ah dadka ku nool Magaalada Beledweyne ayaa Warbaahinta u sheegay in ay baadi-goob ku hayaan labada Carruurta ah ee Biyaha ku maqan,halka midka geeriyooday la’aasay,iyada oo weli Magaalada Beledweyne ay Biyo badan dhex fahdiyaan.
Dadka Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan inay weli jirto qatar ku aadan fatahaada Wabiga uu geystay,waxaana badi dadkii ku noolaa Magaalada Beledweyne ay u barakaceen deegaanka Ceel-Jaale oo ku yaalla duleedka Magaalada.
Madaxda Sare ee Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa lagu eedeeyay inaysan waxba u qaban dadka ka barakacay Magaalada Beledweyne iyo kuwo weli ku go’doonsan xaafadaha qaar ee Magaalada,kuwaas oo Guryahooda ay biyo qariyeen.