Qilaafka udhexeeya Madaxda Puntland Oo Soo shaacbaxay

Waxaa soo shaac baxay khilaaf maalmahanba la hadal hayay inuu u dhexeeyo madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash).

Khilaafkooda ayaa salka ku haya kala lahaanshiyaha awoodaha maamul ee labada mas’uul,waxaana Axmed Karaash uu ku eedeeyay Deni in aanu kala tashan magacaabis uu dhawaan sameeyay oo isugu jirta taliyeyaal ciidan iyo Wasiirro.

Madaxweyne kuxigeenka oo waraysi gaar ah siiyay BBC laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayaa intaa ku daray in khilaafkooda uu gaaray heer aysan hadda saalanta iska qaadin labadan mas’uul oo ku wada shaqeeya dhismaha madaxtooyada Garoowe.
Khilaafka labada nin ayaa bannaanka yimid kadib markii 14-kii bishan May uu madaxweyne kuxigeenka kasoo horjeestay magacaabista taliyaha iyo taliye kuxigeenka madaxtooyada Puntland oo uu magacaabay madaxweyne Deni.

“Waxaan qoonsaday [magacaabista] taliyaha madaxtooyada. Madaxtooyadu waa meel naga dhaxaysa oo aan u wada shaqo tagno, wada joogno, wada maamulno. Madaxweynuhu markuu wiilkiisa keensaday, wiilkii aan anigu keenayna uu meeshii ka eryay, marka dee meel la isku haleyn karaba ma ah,” ayuu BBC-da u sheegay Axmed Karaash.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa siweyn waxaa looga dareemay deegaannada Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale,waxaana aad looga hadal hayaa Baraha ay Bulshada isticmaasho.