Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in Maanta oo Insiin ay ay kulan ku yeeshaan Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,kaas oo ay uga hadlayaan kulankooda arrimo dhowr ah.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Kulanka Guddiga ay uga arrinsanayaan xilliga rasmiga ah uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka iyo waqtiga Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yareey ay hor imaan doonto Baarlamaanka.
Xubnaha Guddiga ayaa la filayaa inay go’aamiyaan waqtiga uu furmayo Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka si Xildhibaannada labada Aqal ay u guda galaan Shaqooyinkooda maadaama bilihii la soo dhaafay ay fasax ku jireen.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran Xaliima Yareey ayaa waxaa lagu waday in 27-ka bishan May ay hor-tagto Baarlamaanka,hayeeshee la sheegay in uu dib-udhac ku yimid.
Guddoomiye Xaliimo yareey ayaa waxaa laga sugayaa go’aano culus oo ay kamid yihiin inay iclaamiso in doorashooyinka waqtigooda ku dhacaan taas oo keeni karta culeys ay kala kulanto Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka.
Wararka soo baxaya ayaa waxaa ay sheegee in Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan ee doorashooyinka Qaran ay horaanta Bisha June ay hortagto Baarlamaanka,sida ay sheegeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.