Somaliland ayaa kasoo horjeestay Kulamo maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho uga socday Xildhibaanada kasoo jeedda gobolada Waqooyi oo looga hadlaayay qaabka loo soo dooran doono.
Shir ay ku yeesheen Magaalada Hargeysa Golaha Wasiirada Somaliland ayay ku sheegeen in aysan ma talin dadka ku sugan Muqdisho, islamarkaana aysan qeyb ka aheyn doorashada Soomaaliya.
” Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland uu beesha caalamka, Midawga Afrika, Urur gobeleedka IGAD iyo dhammaan daneenayaasha nabadda iyo horumarka mandaqada geeska Afrika u caddaynayaa in ay gardarro iyo gabbood-fal tahay waraaqda ka soo baxday Xamar ee lagu xusay waxa loogu yeedhay doorashada Baarlamaanka dadka metalaya degaamada Somaliland”
War kasoo baxay Golaha Wasiiradda Somaliland ayaa sidoo kale intaasi kusii daray “Waxana goluhu caddaynayaa in dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Xamar aanay metelin shacabka iyo Dawladda Somaliland balse ay yihiin dad shaqo iyo nolol si iskood ah uga raadsaday Muqdisho, waxana Jamhuuriyadda Somaliland siyaasad ahaan iyo dawlad ahaanba ay wakiilatay goleyaasha kala duwan ee qaranka kuwaas oo loo igmaday xaqiijinta himilada shacabka Jamuuriyadda Somaliland”