Wararka Idaacadda Risaala ay ka helayo dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa ay sheegayaan in muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa kuwa ku Ganacsada dalkaasi uu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray jirdil ay u geysteen Ciidamada Booliska dalkaasi Koonfur Afrika.
Muwaadinka Soomaaliyeed oo Magaciisa lagu soo koobay Maxamed ayaa waxaa la sheegay in xilli uu ku sugnaa Magaalada Pretoria ay ugu tagen goob Ganacsi uu ku sugnaa,kaidbna ay jirdil xoogan u geysteen.