Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug oo Galabtay khudbad ka jeedinayay Munaasabbad lagu Dah furayay Dhismaha Golaha degaanka ayaa sheegey in la kala diray Gudigii dhismaha Golaha degaanka Degmada Galkacyo.
Guddiggaan ayaa waxaa magacaabay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ka dib markii wasiirku sheegey inay buuxin waayeen Habraaca U degsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta Galmudug iyo Barnaamijka Wadajir farum oo dowlad Goboleedyada ka taageera dhisamaha Dowlaha Hoose.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in Guddiga dhismaha Golaha degaanka ay noqon doonaan Midka ay soo Magacowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug.
Gudigaan ayaa lagu magacaabay ku qancinta Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyadoo looga badashay soo afjarida khilaafkii uu ka tabanayay dhismihii Galmudug.