Baaqii Wasaarada Caafimadka Galmudug Oo laga Soo jawaabay

Magaalada Dhusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa Maanta ka degtay Diyaarad sida Agab Caafimaad oo ay u dirtay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya

Agabkaan oo noocyo kala duwan iskugu jira ayaa waxa loogu talagalay Dagmooyinka Balanbal iyo Cabudwaaq oo maalmahan u sameyn ku yeeshay Cudurka Covid19 oo kiisas kamid ah laga helay

Agabkan Caafimaad ayaa waxaa Xubnihii dowladda Soomaaliya ka socday ka guddoomay  Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaana uu uga mahadceliyay Dowlada Somalia sida ay uga soo jawaabtay codsigii ay u direen.

Degmooyinka Cadaado, Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa ku geeriyooday dad laga helay  Cudurka COID-19 halka kuwo kale ay la jifaan,kuwaas oo la geliyay xaalad karantiil ah.