Mareykanka Oo baaq udiray Dowlada Somaaliya

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in loo baahan tahay in xal laga gaaro Khilaafka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda.

Warka Safaaradda ayaa lagu sheegay xalinta Khilaafka labada dhinac ay suurtagalin Karto doorashada soo socota in heshiis lagu noqdo.

Waxa ay dalbatay inay shir isugu yeerto Madaxtooyada Soomaaliya dhammaan hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, sida uu dhigayo dastuurka, wada shaqeynta iyo iskaashiga dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada in si degdeg ah loogu baahan yahay in lagu xaliyo kala qeybsanaanta siyaasadeed ee jirta, hirgelinta deyn cafinta iyo ka jawaabida COVID-19.

Warka kasoo  baxay Safaaradda ayaa yimid xilli maanta Aqalka Sare Warsaxaafadeed kasoo baxay lagu sheegay  in qabashada doorashooyinka ay u baahan tahay wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan Madaxda Qaranka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June.