Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta waxaa uu booqasho ku tegay Isbiatalka degmada Xudur gaar ahaan askartii ku dhaawacantay dagaalkii dhawaan ka dhacay deegaanka Abal ee duleedka degmada Xudur.
Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda oo ay wehlinayeen kuwa Koonfur Galbeed iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab,kadib markii Ciidamada dowladda ay weerarka ku qaadeen deegaanka Abal.
Madaxweyne Cabdi casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa booqashadiisa waxaa uu ku sheegay mid uu ku dhiiri gelinayo Ciidamada Dowladda ee dagaalka kula jira Ururka Al-Shabaab ee ku sugan deegaannada Koonfur Galbeed.