Wararka laga helayo deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan Puntland ay joojiyeen banaanbax lagu taageerayay dowladda Soomaaliya,kaas oo ka socday degmada Xingalool ee gobolka Sanaag.
Ciidamada Ammaanka oo watay Gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay tageen halka uu banaanbaxa ka socday,iyaga oo kala eryay dadka dhigayay banaanbaxa dowladda Soomaaliya lagu taageerayay.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Ciidamada ay sidoo kale xir xireenqaar kamid ah dadkii mudaharaadayey,kuwaas oo la geeyay Saldhiga Magaalada Xingalool.
Maalin ka hor Ciidamada Puntland waxaa ay joojiyeen banaanbax lagu taageeri lahaa Dowladda Soomaaliya,hayeeshee deegaano kale oo ka tirsan Gobolada Sool iyo Sanaag uu ka dhacay.