Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga maanta waxaa ka soo ambabaxay 94 qof oo Soomaali ah oo u safraya magaalada Hargaysa,waxaana halkaasi ka soo qaadday diyaaradda Daallo Airlines.
Dadkaasi ayaa waxaa in muddo ah ay ku xanibnaayeen dalka Turkiga sabab la xiriirta xayiraadda uu sababay COVID19 oo dalal badan ay joojiyeen duulimaadyadii Caalamiga ahaa.
Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Danjire Jaamac Ceydiid ayaa uga mahad celiyey dhammaanba dhinacyadii ka qayb qaatay dib usoo guryo noqoshada muwaadiniintaan Soomaaliyeed ee ku xiyirnaa Turkiga.
“Waxaan uga ,mahadcelineynaa dhammaan dadkii ka qeyb-qaatay dib ucelinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xaniban dalka turkiga ,Gaar ahaan waxaa uu uga mahadcilyay dowladda Turkiga oo muwaadiniintaan u ogolaatay inay dalkooda ku laabtaan”Ayuu yiri Danijre Ceydiid.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore dalkaasi turkiga uga soo daad gureysay muwaadiniin ku xanibnaa kuwaasi oo laba jeer laga soo dejiyay Garoonka Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.