Dalka Baraasiil wuxuu noqday dalka labaad ee ugu badan ee dhimashada coronavirus ee dunida iyadoo ay ku dhinteen 41,828, waxaa uu ka sara maray tirada dhimashada Boqortooyada Ingiriiska.
Guud ahaan Cudurka ayaa ku dhacay dalkaasi 829,902 oo qof oo ku sugan dhammaan gobolada dalka Baraasiil.
Dalka Mareykanka oo kaliyah ayaa ka horreeya dhimashada dunida dalka Baraasiil sidda ay xaqiijisay Hay’adda Caafimaadka ee Adduunka.
Mas’uuliyiinta dalkaasi ayaa sheegay in cudurka uu si ba’an u faafay ka dib markii dowladda ay diiday in xayiraad lasoo roggo.
In ka badan 7.6 milyan oo qof ayaa hadda la xaqiijiyay inay qabaan cudurka loo yaqaan ‘coronavirus’ ugu yaraan 424,000 ayaa u dhintey, sida laga soo xigtay xogta jaamacadda Johns Hopkins.