Qoorqoor oo lagu soo dhaweeyay Bitaale

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray degaanka Bitaale ee Bariga Gobolka Mudug.

Halkaas oo soo dhaweyn sare loogu sameeyey Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda.

Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in maanta uu booqdo deganada kala ah  Bitaale, Bandarqaali,Qoryaweyn, iyo Afbarwaaqo.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa gobolka Mudug, halkaasi oo ay ka wadeen dib u habeynta Ciidanka maamulka Galmudug.