Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Shirka Ka furmaya Jabuuti

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa ay Maanta u duuleen wadanka Jabuuti, halkaas oo la filayo in wada-hadallo ay uga furmaan Madaxweynaha Soomalaiya iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Wafdiga Madaxweyne Muusue Biixi ayaa waxaa kamid ah, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan,Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kaluumaysiga Siciid Sulub Maxamed, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Ergayga Wadahadalada Somaliland u qaabilsan Adna Aadan Ismaaciil iyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada Sacad Cali Shire

Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ka hadlaya wada-hadallada ka furmaya Jabuuti iyo doorka Dowladaha Mareykanka iyo Jabuuti.