Faah Faahin Weerar Ka dhacay Walanweyn

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxyo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo xalay ka dhacay egmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan qaraxyadaas,waxaana warar ka la helay ay sheegayaan in bambaanooyin lagu weeraray Guri ku yaalla Xaafada Muuri ee degmada Walanweyn,kaas oo uu deganaa sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Guriga Bambaanooyinka lagu weeraray uu deganaa Taliyaha Ururka 54aad ee Millateriga Soomalaiya sidoo kalena ah Madaxa Amniga degmadaas,kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Halac.

Wararka ayaa waxaa ay inatasi ku darayaan in weeraradaasi bambaano ay ku geeriyoodeen Afar Ruux oo isugu jira askar iyo Shacab halka 7 Ruux oo kale ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo ku sugnaa Hoyga la weeraray iyo Xaafadaha ku dhow degmada Walanweyn.

Maamulka degmada Walanwyen ee Goblka Shabeellaha Hoose iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda weli wax faah faahin ah kama bixin qaraxyada xalay lagu weeraray guri uu deganaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Wararka saaka aan ka heleyno degmada Walanweyn ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weeraradaasi bambaano.