Sida lagu daabacay Kenyans.co.uk Mareeyaha Guud ee diyaaradii shalay ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in diyaarada ay burburto uu sabab u ahaa Dameer oo soo galay dhabaha ay kusoo dageysay diyaaradda.
Waxaa uu sheegay Kabtan Xuseen Maxamed in diyaaradaasi oo ay leedahay Shirkadda Bluebird Aviation ee dalka Kenya ay siday shixnad gargaar ah iyo sahay ay u waday Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM kuna sugan Beledweyne,isla markaana ay dhacdadaasi qabsatay.