Wasaaradda gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa si kumeel gaar ah waxaa ay u joojisay Shaqada garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne oo maalmo ka hor ay ku burburtay diyaarad laga lahaa dalka Kenya.
Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gadiidka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo tegay Beledweyne ayaa waxaa ay la kulmeen Saraakiil ka tirsan AMISOM & Mas’uuliyinta Maamulka Garoonka si baaritaan dhab ah loogu sameeyo waxa sababay inay diyaarada burburto.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macalin Xasan oo ku sugan Beledweyne ayaa sheegay in si kumeel gaar ah loo xiray Garoonka Diyaaradaha Beledweyne si baaris loogu sameeyo sababtii keentay in diyaaradii sahayda u siday Ciidamada AMISOM ay burburto.
Tallaabadan ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli shalay Maareeyaha guud ee diyaaradii ku bruburtay Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo lagu Magacabo kabtan Xuseen uu sheegay in burburka uu sabab u ahaa kaidb markii uu dameer soo galay halkii ay ku dagi laheyd diyaaradda.