Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socday Dowlad Deegaanka Soomaalida oo hoggaaminayo Wasiirka Tacliinta Sare iyo Seyniska Cabdullaahi Maxamed Muuse .
Wafdiga oo ay ka mid yihiin Lateliyeyaal Madaxweyne , Guddooomiyaha Gobolka Doollo, Aqoonyahano iyo Siyaasiyiin hore ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal tacsi ah oo ay uga wadeen Madaxweynaha Dowladd Deegaanka Soomaalida Mustafe Maxamuud Cumar, oo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya uga tacsiyadeeyay geerida Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Kulanku intuu socday waxaa sidoo kale laga hadlay horumarinta Iskaashiga dhinac walba ah oo dhexmara Puntland iyo Dowlad Deegaanka Soomaalida.