Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland oo gudi magacaabay

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 46-aad Golaha Wakiillada maamulka Puntland, uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay wehliyaan, Guddoomiye ku xigeenka 1aad AVV: Cabdicasiis Cabdullahi Cusmaan & ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

Fadhiga maanta Ajandaha ayaa ahaa magacaabid Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulka Puntland.

Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland ayaa Magacaabay Guddi doorasho oo ka shaqeyn doona doorashada Xafiiskaasi oo shantii sana mar la qabto.

Guddiga Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.

  1. Xil. Cawil Xasan Daad – Guddoomiye
  2. Xil. Cabdiraxmaan Diiriye Carab – Xubin
  3. Xil. Maxamuud Maxamed Barre – Xubin
  4. Xil. Cabdilaahi Siciid Axmed – Xubin
  5. Xil. Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed – Xubin

Doorashada Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha maamulka Puntland ayaa lagu wadaa inay dhacdo maalinta berri ah 19ka Luuliyo, 2020 Haddii Alle idmo