Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in Magaalada Booasaso ee xarunta gobolka Bari ay ku qabteen xubno ka mid ah Ururka Daacish ee ka dagaalla buuraha Galgala.
Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Bari ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Daacish ee ku dhuumaalaysta Buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari.
Xubnahaan ka mid ah Ururka Daacish ayaa lagu qabtay howlgal Ciidanka Booliska ay ka fuliyeen Magaalada Boosaaso.
Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in qaar kamid ah kooxda gacanta lagu soo dhigay xilli ay doonayeen in ay u gudbaan Buuraleyda Calmiskaad halka qaar kalena laga soo qabtay xaafado ku yaalla gudaha Boosaaso.