Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa kusii qul qulaya wufuud kala duwan,kuwaas oo doonaya inay ka qeyb galaan Shirka Madaxda Sare ee Dowaldda Federaalka & Dowlad goboleedyada.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen Magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug.
Madaxweyne Deni ayaa dhawaan dib ugu laabtay Garoowe,isaga oo halkaasi kaag qeyb galay Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax & Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.
Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb waxaa gaaray Wafdi ka socda Maamulka Gobolka Banaadir oo uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee Arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Cantoobo, kuwaas oo horudhac u ah Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Maalinta berito ah tegay Dhuusamareeb.