Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa Oo Si Adag U Difaacay Lionel Messi Una Sheegay Dadka Argentina Waxa Ku Waajibka Ah.

Weeraryahanka Atletico Madrid Diego Costa ayaa si adag u difaacay Lionel Messi kadib markii si weyn loogu dhaleeceeyay maqnaashahiisa kulankii ay guuldarada kala kulmeen Spain.

Xidiga Barcelona wuxuu dhaawac fudud ku seegay kulankii ka dhacay Wanda ee ay saaxiibadiisa qaranka 6-1 guuldaro ah gudoomeen, waxaana sheeko soo jireen ah in mar walba oo ay qaranka guuldareystaan uu la kulmo dhaleeceyn joogto ah.

Messi wuxuu si awood leh ug saaciday qarankiisa inuu usoo saaro koobka Aduunka ee ka dhacaya Russia bartamaha sanadkaan, kadib markii uu sadexley ka dhaliyay xulka Ecuador kulankii ugu dambeeyay.

 

“Waxaad u baahan tahay inaad falanqeyso dhinacyada dhan, marka ka hadalno dalka Argentina waad dhaleeceyn kartaa Messi, balse marka uusan ciyaareynin waa sheeko ka duwan” ayuu yiri Diego Costa kadib guushii ay qarankiisa gaareen.

“Ma Dhaleeceyn kartid xidig sida Messi ah balse waa inaad ilaahey uga mahad celisid inuu halkaas joogo. Messi waa in mar walba si wanaagsan loola dhaqmo hadii uu si fiican u ciyaaro iyo hadii kalaba sababtoo ah wuxuu sameyn karaa kala duwanaasho”

Dhanka kale Diego Costa wuxuu ka hadlay sida uu diyaarka ugu yahay inuu si fiican ula qabsado qarankiisa.

“Xulka wuxuu u baahan yahay inuu hanto waxyaabo kale, waxaan heysanaa koox diyaar u ah koobka Aduunka” ayuu yiri Diego.

“Waa wax adag inaan lix bilood ka maqnaa, balse waan ogaa marka aan soo laabto inaan fiicnaanayo, waan ku raaxeysanayaa inaan ka mid ahay qaranka La Roja”

“Waxaan si fiican ula ciyaarnay koox xoogan, balse ay tahay in la xuso maqnaashaha Messi. Waxaan doonayaa inaan ka qeyb galo koobka Aduunka, waxana u shaqeyn doonaa sida ugu adag ee ugu dhaqsiyaha badan”