Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta kulan ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa, iyaga oo u codeeyay Wax ka Bedelka Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda.
Dood dheer kadib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ansixiysy Shaciga Xisbiyada Siyaasadda, waxaana ogolaatay 137 waxaa diiday 3 waxaa ka aamusay 2 mudane.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay ayaa sheegay in Sharciga Xisbiyada Siyaasadda uu ansax yahay.