Xildhibaano Sheegay in Moshin laga wado Gudoonka Baarlamanka Galmudug

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Galmudug ayaa warbaahinta uxaqiijiyay in Mooshin si hoose ku socday uu soo ifbaxay Saddex maalmood ee lasoo dhaafay, islamarkaana la doonaayo in xilka looga qaado Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Xildhibaano ku dhow 40 oo qaarkood ay ku sugan yihiin Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday abaabulka Mooshinka, islamarkaana  saxiixay Mooshinka, inkastoo aan wali loo gudbin Gudoonka Baarlamaanka Galmudug.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Mooshinka wadda ayaa Gudoomiyaha ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo Safaro joogto ah oo uu Muqdisho ku joogay bilihii lasoo dhaafay.

Waxaa sidoo kale Wararka ay sheegayaan in uu jiro Khilaaf ka dhex taagan Gudoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen oo xoojiyay mooshinka ka dhanka ah Gudoomiye Maxamed Nuur Gacal.

Madaxtooyada Galmudug ayaa dadaal badan ku bixinaysa sidii loo joojin lahaa Mooshinka, Sidda bixinta xuquuqda Xildhibaanada oo Muddo Saddex bilood ah ka maqan.