Gudoomiye ku xigeenka Walaweyn oo Qarax lagu dilay

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Degmada Walaweyn G/Sh/Hoose Maxamed Cabdulaahi Cumar Koosto ayaa caawa dhintay qarax lagu eegtay Gudaha Degmadaasi.

Waxaa wararka Qaar ay sheegayaan in Qaraxa lala eegtay uu ahaa bambo gacmeed lagu weeraray gurigiisa.

Waxaa Sidoo kale jira dad ay waxyeelo dhaawac ah kasoo gaartay  weerarka bambada ah.

Kooxihii ka dambeeyay falkaasi ayaa goobta la baxsaday.