Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu qabtay kulan looga hadlay natiijada baaritaano horudhac ah oo laga sameeyay weerar Bam-gacmeed ah oo laba habeen kahor lagu weeraray guri uu deganaa sarkaal ka tirsan NabadSugida Galmudug.
Howlgal laamaha amniga Booliska Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka ay ka sameeyeen Guriceel ayaa waxaa lagu soo qabtay badan oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen weerarkii ka dhacay halkaas.
Gudoomiyaha degmada guricel farax Cabdi iyo taliska Boliiska Daahir farax Oo goobta kawada hadlay Ayaa shacanka degmada guricel ugu baaqay in Ay Amaanka kala wada shaqeeyeen.
Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday howlgal kala duwan oo lagu xaqiijinayo amniga Magaalada, kadib markii weerar lagu qaaday Guri uu halkaas deganaa Cabdullaahi Cabdi Raage oo ah Saraal ka tirsan Nabadsugida Galmudug.