Ciidanka Boliiska oo howlgalo kawada Dhuusamreeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Ciidanka Ammaanka ay  howlgal balaaran ay ka sameeyeen Xaafadaha magaalada, intii howlgalku socday ayaa waxaa barbar socday diiwaan galin lagu sameynayay Gaadiidka Magaalada.

Taliyaha Qaybta Guud ee Booliiska Galmudug Sareeye Guuto Bishaar Abshir Geedi oo ay wehliyeen Taliyaha Booliiska Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi, Gudoomiyaha Dhuusamareeb Moalim Abdrahman Geedaqorow iyo Saraakiil sare ayaa ciidamada howlgalka kujira ku kormeeray iyagoo ku booriyay dadaalka ay muujiyeen dhowrkan bilood.

Taliyaha Ciidanka Booliska Galmudug ayaa sheegay in howlgalladaan ay sii socon doonaan ,maadaama Galmudug dhawaan ay marti galin doonto Shirweyne looga hadlaayo Arrimaha Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka ee Dhuusamareeb 3.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmay xili habeen hore Ciidamada Booliisku ay Xareeyeen dhamaan mootooyinka Bajaajta loo yaqaan oo aan shaqeyneen maalintii labaad, waxaa lala xiriirinayaa fal dhac iyo dhaawac isugu jira oo loo geystay qof shacab ah.