Madaxweynaha maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweynaha KGS Mudane Cabdulcasiis Xasan Laftagareen.
wafdi uu hoggaaminayo ayaa u yimid ka qeybgalka Shirka Dhuusamareeb 3 ee looga tashanayo Arrimaha Doorashooyinka Dalka kaasoo ka furmaya dhawaan Caasimadda Galmudug.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyay Wafuud kala duwan oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb Saacadaha soo socda.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale kusii jeedda Magaalada Dhuusamareeb.