Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay weerar hoobiyeyaal ah ay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga Ciidan oo ku yaalla Xaafadda Howlwadaag.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in xalay Fiidkii la maqlay dhawaqa hoobiyeyaasha lagu weeraray Xerada Ciidamada Jabuuti oo ku taalla Suuqa Xoolaha ee Kaba laays ee Xafada Holwadaag ee Magaalada Beledweyne.
Weli lama oga khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashaas oo la sheegay inay gaarayeen ilaa Afar, kuwaas oo dadka Beleweyne qaarkood ay sheegeen inay dareemeen cabsi ballaaran.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada AMISOM dhankooda ay ku jawaabeen tiro hoobiyeyaal ah,kuwaas oo la sheegay in aysan geysan wax khasaaro ah,waxaana xigay howlgal ay sameeyeen Ciidamada Jabuuti oo ka tirsan AMISOM.
Wararkii ugu dambeeyay ee Beledweyne aan ka heleyno ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay Xaafado ka tirsan magaaladaas iyo duleedkeeda ay howlgallo ka wadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay weerarka hoobiyeyaasha ahaa.