Faah Faahin Dad qasaaro geystay Oo ka kacay Degaanka Bacaadweyn

Khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed ayaa ka dhashay dab ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taalla degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaaana dabkaasi uu ku fiday Goobo kale oo ku yaalla degaankaas.

Inta la xaqiijiyay dabkaas ayaa waxaa ku dhaawacmay 9 Ruux oo badanod ahaa kuwa doonayay inay dabkaasi demiyaan, waxaana dadka degaanka iyo Maamlka dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo ay ku guuleysteen in dambkaasi la demiyo.

Ganacsadihii iska lahaa Kaalinta Shidaal ee ku gubatay Deegaanka Bacaadweyn ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay Haanta keydka Shidaalka ay qaraxday, isla markaana dhamaan ay burburtay kaalintiisii Shidaalka.

Guddoomiye ku Xigeenka Deegaanka Bacaadweyn ayaa sheegay in degaanka uusan oolin Gaadiidka dab damiska,isla markaana 9 Ruux oo dabkaasi ku waxyeeloobay laba kamid ah ay ay xaaladooda liidao,isla markaana lagu daaweeynaayo Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

Dhinaca kale Duqa degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali oo gaaray Deegaanka Bacaadweyn ayaa waxa uu isbitaalka Xanaano ku Booqaday 9 qof kamid ah Dadkii ku dhawacmay Dab qabsaday Kaalin Shidaal oo Gubatay halka 5 qof oo kale dhawacyàdooda Culus yihiina la geeyay Degmada Gaalkacyo.