Cabdirahman Abdi shakuur Oo ku soo wajahan Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusmareeb ee Caasimada Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay kusii jeeddaan siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeedda degaanada maamulka Galmudug.

Waxgaradka iyo siyaasiyiinta ayaa kulamo kala duwan ku yeelan doono Magaalooyin ka mid ah Galmudug, waxaana looga hadlaya xaaladaha kala guurka.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur  ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta maanta  ku sii jeeda Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Maalmihii lasoo dhaafay Galmudug waxaa ka dhacayay  shirar looga hadlayay marxalada kala guurka siyaasadeed ee uu dalku galay iyo go’aan ka gaarista hannaanka doorasho