Maxkamadda darajada Koobaad ee Gobolka Nugaal Puntland ayaa Maanta waxa markale la soo taagay 7 Nin oo lagu eedeeyay fal kufsi iyo dil Magaalada Garoowe loogu geystay Haweeneey lagu Magacaabi jiray AUN Hodan Axmed Maxamed Shanleyste.
Falka dilka iyo Kufsiga ee raggaan loo heysto ayaa Magaalada Garoowe waxaa uu ka dhacay 11-kii Bishii April ee sanadkii 2019, waxaana ragga loo heysto dhowr jeer la horgeeyay Maxkamadda darajada 1aad ee gobolka Nugaal.
Maxkamadda ayaa markii ugu horraysay dhegaysatay Dacwadda loo haysto Ragga ku eedaysan Kiiska 15-kii February 2020, balse saddex jeer oo dambe ayaa dib loo dhigay Dacwadda, iyad aoo Maanta maxkamadda raggaas la horgeeyay.