Duqeyn Ka dhacday Jubbada dhexe

Maamulka jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay howlgalaldii ugu dambeeyay oo ay Ciidamada Jubbaland iyo kuwa taageera ka fuliyeen degaano ka tirsan Maamulkaas kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab oo mararka qaar weeraro ka fuliya degaannada Maamulkaas.

Wasiirka Wasaaradda Wafaafinta Jubbaland ayaa sheegay in duqeymahaas lagu bartilmaameestay saraakiil sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab, hayeeshee uusan shaacin Magacyada Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay in duqeymaha ugu badan ay ka dhaceen degaano hoostaga degmada Buu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, isla markaana uu jiro khasaaro kasoo gaaray Ururka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.