Wafdi horudhac u ah Madaxweynayeyaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaa saacaddihii lasoo dhaafay soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in ay maanta iyo berri midkood soo gaaraan Muqdisho si ay ula kulmaan madaxweynaha dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ciidamo ay iska soo hormariyeen labada Madaxweyne ayaa hadda ku sugan Muqdisho.
Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni uu maanta soo gaari doono Muqdisho.
Ammaanka qeybo ka mid ah Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana xiran inta badan wadooyinka Muqdisho.