Maxkamad ku taalada Puntland Oo Sii deysay rag kufsi loo heystay

Maxkamadda Darajada 1aaad ee Gobolka Nugaal Puntaland ayaa ay siideysay oo xorriyadooda ay u celisay lix Nin oo kamid ahaa 7 Nin oo horay loogu eedeeyay inay kufsi iyo dil garoowe ka geysteen sanadkii la soo dhaafay ee 2019.

Raggaan ayaa dhowr jeer waxaa la horgeeyay Maxkamadda gobolka Nugaal, iyada oo loo heystay kufsi iyo dil 10-kii April ee sanadkii 2019 Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal loogu geystay Marxuumad Hodan Axmed Maxamed Shanleyste.

Garsoorayaasha Maxkamadda Darajada 1aaad ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegeen in raggaan wax dambi ah lagu waayay, kadib markii baaritaanno kala duwan lagu sameeyay oo loo adeegsaday Shaybaarka dambiyada DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab.

Maxkamadda Darajada 1aaad ee Gobolka Nugaal ayaa dhaarisay lixda Nin ee la siidaayay, halka midka todobaad ay garsoorasyaasha Maxkamadda sheegeen in uu kala hadlay,isla markaana baaritaano kale la marsiin doono.

Ehellada Marxuumad Hodan Axmed Maxamed Shanleyste ayaa kasoo horjeestay go’aanka maxkamada,waxaana ay sheegeen in kiiskaan ay dayaceen laamaha amniga iyo garsoorayaasha Maxkamadda, isla markaana ay si fudud ku siidaayeen.