Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa ay howlgal qorsheysan oo dad lagu qab qabtay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgalka uga fuliyeen Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo taako, waxaana la sheegay in howlgalka uu salka ku haayo kadib markii Xaafada Xaawa Taako lagu dilay Guddoomiyahii Deegaanka Hees Cabdullaahi Bilig-Bilig.
Ciidamada ayaa baaritaano ku sameeyay Guryaha qaar ee Xaafadaha Kooshin iyo Xaawo taako, iyada oo howlgalkaas lagu qabqabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo lagu xiray Saldhiga Booliska Beledweyne.
Taliyaha Qeeybta Booliska Gobolka Hiiraan Korneel Isaaq Cali Cabdulle ayaa Warbaahinta u sheegay in Ciidamada howlgalka waday ay dad u qabteen dilka loo geystay Guddoomiyahii Deegaanka Hees , sidoo kalena ay ku raad joogaan mid kamid ah raggii dilka geystay oo Ciidamada ay dhaawaceen.
Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in weli meelaha qaar ay Ciidamada howlgallada ka wadaan, iyada oo loo diidayo inay tagaan Gaadiidka noocyadiisa kala duwan.
Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa bilihii la soo dhaafay amnigeeda waxaa uu ahaa mid aan wanaagsaneyn, waxaana ka dhacay dilal loo geystay askar iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle.