Xeer ilaalinta Guud ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa shaacisay inay baaris ku bilaabeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, kuwaas oo loo heysto inay ku dhaqaaqeen musuq maasuq iyo wax isdaba-marin.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in aysan jirin cid ka weyn sharciga, isla markaana Xafiiskooda uu bilaabay baaritaannada la xiriira dad galay dambiyo kala duwan haba ugu badnaadaan kuwa la xiriira musuq maasuq.
Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in Hay’adaha garsoorka Jubbaland ay bilaabaan dacwad qaadista dadka loo heysto dambiyada kala duwan, sida kuwa madaniga ah iyo kuwo kale si cadaalad loo helo.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubbaland Maxamed Sheekh Cusmaan ma shaacin Magacyada mas’uuliyiinta ka tirsan Jubbaland oo ay baarista musuq maasuq ku bilaabeen, hayeeshee u cadeeyay inay wadaan howlaha baarista ah.