Ciidamada Dowlada Oo weerar ku qaaday Farisimo Ay lahayeen Alshabaab

Ciidanka maamulka Jubbaland iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa  kala wareegay Al-Shabaab deegaano dhowr oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay Ciidanka dowladda Soomaaliya ay la wareegeen  waxaa ka mid ah deegaanka Janaanay oo 60 Km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale kuwa Jubbaland ayaa dhowr jeer degaankaan kala wareegay Al-Shabaab, waxaana ay Al-Shabaab kala wareegeen Sanadkii 2016-kii walow ay dib uga soo baxeen.

Ciidanka dowladda Soomaaliya  iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa shalay ka ruqaansaday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose , waxana ay u jahaysteen deegaano ay joogaan Al-Shabaab.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa dhawaan sheegay in ciidanka maamulka Jubbaland ay bilaabayaan howgallo Shabaab looga saaraayo deegaano ka tirsan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.