Ra’iisul Wasaaraha Magacaban ayaa taageero ka helay Xildhibaannada Beesha 5aad iyo Beesha Dir oo uu maanta kula kulmay Madaxtooyada, Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ayaa wada kulamo uu taageero uga raadinayo Xildhibaannada Beelaha, ka hor kulanka Ansixinta Baarlamaanka.
Kulankaan ayaa waxaa uu ahaa mid isbarasho iyo is-xog wareysi ah maadaama Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban uu yahay Shaqsi siyaasadda ku cusub sidoo kale aan weli helin kalsoonida Baarlamaanka.
Xalay ayuu ka dalbaday xildhibaanada in ay siiyaan codka kalsoonida.
Maalinta berri ah ayaa lagu waddaa in la horgeeyo xildhibaanada Golaha Shacabka.