labada Aqal oo ka doodaya heshiiskii arimaha doorashooyinka

Xildhibaannada labada Aqal ayaa loo qeybiyay nuqulka ansixinta heshiiska siyaasadeed ee doorashooyinka iyo codsiga Madaxweyne ee ansixinta heshiiskaas.

Qodob ka mid ah nuqulka ayaa waxaa ku qoran mudada xilheynta Hey’addaha Dastuuriga dowladda oo ah si aanay firaaq Dastuuri u dhicin in Baarlamaanka 10aad uu xilka sii heynayo illaa maalinta laga dhaarinayo Xildhibaannada la soo doorto ee Baarlamaanka cusub ee 11aad ee Soomaaliya

255 Xildhibaan ayuu ku furmay kulanka Xildhibaanada, waxaana goobta ku sugan gudoonka labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxyaabaha laga doodaayo waxaa ka mid ah heshiiskii Siyaasadeed ee jiheynta Arrimaha doorashooyinka .