Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday qorsho baaritaan loogu sameeynayo dhamaan Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Federaalka.
War qoraal ah oo kasoo baxay siihayaha Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Xildhibaan Sadiiq Xersi Warfaa ayaa lagu sheegay in Shaqaalaha dowladda lala yeelan doono wareysi dhinaca Amniga,isla markaana baaritaan ay samey doonto Hay’adda NISA.
Dhamaan Wasaaraha kala duwan ee Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la faray in hay’adda NISA kala Shaqeeyaan sidii hubin amni iyo baaritaan loogu sameyn lahaa Dhamaan Shaqaalaha.
Tallaabadaan baaritaanada dhinaca amniga ah loogu sameynayo Dhamaan Shaqaalaha dowladda ayaa waxaa ay daba socotaa xilli dhowr jeer oo hore la xiray sidoo kalena ay falal Amni darro geysteen qaar kamid ah Shaqaalaah dowladda oo la sheegay inay si hoose ula Shaqeynayeen Al-Shabaab.
