Dagaal ka dhacay duleedka Beledweyne

Wararka laga helayo Degmada Balad Xaawo ee Gobalka Gedo ayaa  waxaa ay sheegayaan in xalay duleedka degmadaas uu dagaal ku dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay geysay gobolka Gedo iyo Ciidamada Kenya.

Dadka ku sugan degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, waxaana jira khasaaro ka dhashay dagaalka.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo aan la xiriirnay ayaa noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino sababaha keenay dagaalka dhex-maray Ciidamada dowladda & kuwa Kenya.

Dadka ku nool degmada Beled-Xaawo ayaa waxaa ay sidoo kale sheegeen inay cabsi dareemeen intii uu dagaalka socday, iyada oo isku socodka dadka & Gaadiidka ee Magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Mandheera uu hakad galay.

Dagaalkaan kooban ee duleedka degmada Beled-Xaawo ku dhex-maray Ciidamada Dowladda & kuwa Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan guddiga Amniga Qaranka Kenya ay sheegeen inay jawaab ka bixin doonaan hadii ay rasaas kaga timaado Ciidamada Dowladda Soomaaliya.