Weerar lagu dilay dad shacab ah Degmada warshikh

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa ay xalay dad Shacab ah oo isku qoys ahaa waxaa ay ku dileen agagaarka degaanka Xaluule oo kamid ah degaannada hoostaga degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Weerarkaas ayaa waxaa ay maleeshiyaadka ay Gurigooda ugu tageen dadka isku qoyska ah, iyaga oo dilay Hooyo Umul kujirtay iyo laba Carruur ah oo ay dhashay, kaas oo da’diisa lagu sheegay Saddex Sano jir, halka la dhaawacay haweeney qoyska kamid aheyd & Wiil 5-sano jir ah.