Dad lagu laayay galbeedka itoobiya

Ku dhawaad 100 qof ayaa lagu dilay gobalka Benishangul-Gumuz ee dhaca galbeedka dalka itoobiya

  • Weerarka oo ay geysteen maleeshiyo hubeysan ayaa lagu laayay dad xoolo dhaqato iyo beeraleey u badan waabarigii arbacada .รน

Dowlada itoobiya ayaa qirtay dhacada balse waxay sheegtay in ay baareyso sida ay wax u dhaceen.

Waa weerarkii afaraad oo dad rayid ah lagu laayo oo ka dhacaย Benishangul-Gumuz.

Dowlada ayaa horay u geysay ciidanka federaalka itoobiya gobalkaย ย si ay arinta wax uga qabtaan.