Dowladaha ruushka iyo turkiga Oo logu baqay in Ciidan kooda kala baxan liibiya

Mareykanka ayaa ku baaqay in si deg deg ah looga soo saaro Liibiya ciidamada Ruushka iyo kuwa Turkiga ka dib markii ay baalmareen waqtigii loo qabtay inay ku baxaan.

Sida ku xusan xabad joojinta ay Qaramada Midoobay taageerto ee la saxiixay bishii Oktoobar ee sanadkii hore, ciidamada shisheeye iyo calooshood u shaqeystayaashu waxay ahayd inay uga baxaan Liibiya muddo saddex bilood gudahood ah.

Ku-simaha safiirka mareykanka Richard Mills ayaa sheegay khamiista intii lagu guda jiray shirkii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay ee looga hadlayay arrimaha Libya.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada dibadda, inay ku daraan Ruushka, Turkiga iyo Imaaraadka, inay ixtiraamaan madaxbanaanida Libya ayna si deg deg ah u joojiyaan faragalinta milatari ee Libya.” Ayaa yiri Safiirka.

Hadalkan ayaa imanaya sanad kadib shirkii Berlin ee ay isugu yimaadeen taageerayaasha kooxaha ugu waa weyn ee ku dagaalamaya Liibiya, iyadoo hogaamiyaasha caalamku ay balan qaadeen inay joojinayaan faragalinta shisheeyaha ayna ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa xabad joojin joogto ah.