Kulan muhiim ah oo ka dhacay muqdisho

Kulanka Amniga Gobalka Bari ayaa waxaa Maanta lagu qabtay Magalada Bosaaso ee Xarunta gobolka Bari, kaas oo looga hadlay amniga guud ahaan degaannada Gobolkaas, waxaana guddoomiyey Wasiirka Amniga Puntland.

Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Bolliska Puntland ,Maamulka Gobalka Bari,Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka G/Sare Xuseen Cali Maxamuud,Mamulka Degmada Bosaaso iyo qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobalka Bari

Warbixino Amni ayaa waxaa kulanka  looga dhageystay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobalka Bari iyagoona soo jeediyay amniga ka Jira Degmooyinka ay xukumaan.

Sidoo kalle waxaa Shirka Amniga Inta uu socday Ku biiray Guddiga loo xil saaray qaban qabada shirka nabadeenta Beelaha dirita ku dhexmartay soonaha degmada Isku-Shuban iyagoona sojeediyay halka uu maraayo Shirka dhawaan dhici doona Qaban qabadiisa