Turkiga ka hadlay weerarkii hotel Afriik

War qoraal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa si kulul loogu canbaareeyay weerarkii  Al-Shabaab ay la beegsadeen hoteelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Waxaan si xoog leh u canbaareyneyaa weerarka bahalnimada anagoo tacsi u direena dadka walaalaheena iyo dowlada soomaaliya ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaan ilaah ugu baryeenaa naxariis dadka ku nafwaayay weerarka sidoo kale waxaan u rajeyneynaa caafimaad iyo soo kabasho deg deg ah kuwa dhaawaca ayaa lagu yiri qoraalka wasaarada arimaha dibadda ee dalka Turkiga .

Ugu danbeyntii waxaa qoraalka lagu sheegay in dowlada Turkiga ay sii wadi doonto ku garab istaaga shacabka soomaaliyeed iyo dowladooda la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada