Xildhibaanada Golaha Shacabka oo codka kalsoonida u qaadaya Mooshinka Jawaari

 Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka, waxaana kulankan uu yahay mid xiisad siyaasadeed wata oo aad dadka shacabka ah ay aad u hadal hayaan.

Xubnaha Xildhibaanada ayaa xalay loo kala diray laba fariin oo kala xambaarsanaa laba Ajande oo kala duwan, waxaana fariimahaasi kala diray Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye Muudey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xildhibaanada xalay ku wargeliyay inuu jiro kulanka Baarlamaanka oo looga hadlayo xiisada ka taagan xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa kaloo jirtay fariin kale oo xildhibaanada uu u diray Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey, taasi oo ku saabsaneyd in maanta xildhibaanada ay cod u qaadayaan Mooshinka Jawaari.

Inkastoo labadan Ajande looga hadlayo kulanka, hadana waxay u badan tahay in xildhibaanada ay codka kalsoonida u qaadaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Ciidamada ammaanka ayaa xalay saq dhexe waxa ay xireen wadooyinka waa weyn ee Muqdisho, gaar ahaan waxaa aad lo adkeeyay ammaanka wadada Maka Al-mukarama oo gasha Madaxtooyada.

Dadka shacabka ah ayaa aad u hadal haya kulanka maanta ee xildhibaanada, waxaana laga cabsi qabaa in maanta uu gacan ka hadal ka dhaco xarunta Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Sabtidii hakiyay kulanka Baarlamaanka oo looga doodi lahaa Mooshinka Jawaari, maadaama laga cabsi qabay in ay dhacaan falal ka baxsan amniga