Shir kafurmay dhuusamreeb

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu soo saaray xaqiijinta amniga caasimadda iyo deegaanada ku hareeraysan, la dagaalanka argagixisada, ka hortagga dadka xasilooni-darrada iyo qalqal-gelinta amniga caasimada ku lugta leh iyo koontoroolka hubka sharcidarrada ah ee caasimadda lagu dhex sito.

Kulankan ayaa daba socdey kulan uu madaxweynaha GalmudugĀ  Axmed Cabdi Kaaroye uu shir guddoominayey xalay oo ka dhacay xafiiska madaxweynaha, kaasoo madaxweynuhu uu faray in amniga caasimadda iyo degmooyinka kale ee Galmudug la adkeeyo, hey’adaha amniguna ay dardargeliyaan shaqadooda ku aadan ilaalinta nabadgelyada deegaanada Galmudug.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday guul iyo in caasimadda Galmudug ay yeelato hal qorshe amni oo hey’ad walba kaalinta uga aadan ay qaadanayso, isla markaana ay jiri doonto isla xiaaabtan iyo koontorool joogto ah.