Wafdi kasocda Beesha Caalamka ayaa shalay gelinkii dambe waxaa ay gaareen magaalada Garoowe ee xarunta Gobolka Nugaal si ay ula kulmaan Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.
Wafdiga ayaa la filayaa inay Maanta gelinka horeĀ Madaxweynaha Puntland kala hadlaan xaalada siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka iyo in uu yimaado Magaalada Muqdisho si uu uga qeyb galo Shirka wadatashiga doorashooyinka.
Dhinaca kale wafdiga ka socda Wakiilada Beesha Caalamka ayaa isla Maanta waxaa ay tegi doonaan magaalada Kismaayo oo ay sidaasi oo kale kula kulmayaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe si ay ugu cadaadiyaan in uu ka qeyb galo Shirka Muqdisho.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Gelinka dambe ee Maanta ay dib ugu soo laaban doonaan Muqdisho si ay uga qeybgalan kulanka Golaha Ammaanka oo ay Khadka Internetka uga qeybgalayaan.
Xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana weli wax heshiis siyaasadeed ah aan laga gaarin arriimaha doorashooyinka dalka.